Shuruudaha iyo xaaladaha isdiiwaan galinta

Madasha Lasaaxiib Qur'aanka waxay ka shaqaysaa dhiiragalinta iyo xasuusinta joogtaynta iyo lasaaxiibidda kalaamka Allah. Qofka iska diiwaan galinaya waa inuu fahmaa u jeedada madasha kana go'antahay inuu joogtaynayo akhriska Qur'aanka

Mareegta madasha waxaa loogu talagay:

  • Habaynta Jadwalka Qur'aan akhriska ee khatma kasta
  • Isxaadirinta maalinlaha ah
  • Jaamac Qur'aan laga akhrisan karo
  • Maamulka xibnaha madasha sida ogaanshaha qofka joogteeyo qofka kale
  • Xasuusinta akhriska Qur'aanka oo fariimo lagula wadaagoyo xibnaha madasha

Mareegta madashu hadda ma lahan:

  • Application lasoo degsan karo
  • Macalin Qur'aanka ama tafsiirka ku baraya
  • Qof kasta asaga ayaa laga rabaa inuu iswado lana socdo jawdalka Qur'aan akhriska